|
Laas caanood,(insidesomalia.org)-Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Gen.Cade) ayaa khubad dhinacyo kala duwan ka hadlaysa oo uu jeediyey wuxuu kaga Hadley amuuro ay ka mid yihiin xaaladaha gobolada Sool, Sanaaga, burcad badeedaka, sicir bararka iyo amuuro kala duwan.
Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlayey xaalada gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood wuxuu darta ku fiiqay in ay wax yar ku qaadan doonto in dib loogu soo celiyo gacanta maamulka, waxaana sidoo kale uu sheegay inay jiraan dad fara badan oo ka soo jeeda gobolada Puntland ay ka shaqeynayaan khalkhal galinta amaanka isagoo xusey inay jiraan ciidamo ka tirsan Booliiska oo lagu helay inay sheegeen inay lacag qaateen si ay u sameeyana afduub loogu geysto dadka samafalka ka shaqeynaynaya.
Gen.Cade Muuse wuxuu xusey inay jiraan shiradaha ganacsiga qaarkood ay wadaan dhibaatada, isagoo tibaaxay in shirkadaha Dahab Shiil iyo Golis oo kaliya ay taageero u fidiyeen maamulka, halka uu sheegay in shirkadaha ganacsiga qaarkood ay wadaan in ay ku doodaan in uu jiro sicir barar isagoo ku eedeeyey shirkadaasi sida uu sheegay madaxweynuhu inay wadaan dhibaatada.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhawaan ay gacanta maamulka uu ka baxay gobolka Sanaag, laakiin dib loo soo celiyey, wuxuuna si weyn ugu dheeraad dhibaatooyinka dhaqaale ee jira iyo in duulaan lagu soo yahay maamul Goboleedka Puntland wuxuuna farta ku fiiqay jiritaanka cadow gudaha oo ka daran kan dibada.
Arimaha doorashada lagu wado in ay ka dhacdo deegaanada Puntland ay xiligeedii dhici doonto, wuxuuna xusey in cidii is sharaxaysa ay tahay inay bilaabato ololalaha is sharaxida marka la gaaro bisha November wixii intaasi ka horeeya ay noqon karto dad ujeedo kale wata.
Mar uu si gaar ah u soo qaatey madaxweynaha Puntland kaalinta Issimada wuxuu sheegay in Issimadu ay leeyihiin door maamulkuna uu leeyahay door isla markaana loo baahan yahay in cid waliba ka soo baxdo kaalinteeda ama doorkeeda oo aan la isxag xagan.
|